𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝟬𝟲 𝗢𝗰𝘁𝗼𝗯𝗲𝗿:- Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamed Xuseen Ceynte ayaa ka qayb-galay shirka wadatashiga wasaaraddaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Dhamaadkii Kulanka waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ay qodobaddiisa ugu muhiimsanyihiin in wada shaqayn joogta ah ay yeeshaan heerarka kala duwan ee dowladdu iyadoo la samaynayo guddi farsamo oo 15 xubnood ka kooban kuwaasoo xiriirinaya wasaaradaha Federaalka kuwa dowlad goboleedka iyo gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo qodobadii lagu heshiiyay ka mid ahaa in ciyaarihii dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir la qabto bisha Febraayo 2023 iyadoo bisha November la samaynayo isku aad aadka kooxaha.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabeelle mudane Maxamed Xuseen Ceynte waxaa shirkan ku weheliyay agaasimaha guud ee Wasaaradda.