𝟏𝟏/𝐍𝐨𝐯𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫/𝟐𝟎𝟐𝟐:-Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Maxamed Xuseen Ceynte ayaa Hambalyo u diray guddoomiyaha kubadda cagta magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle oo maanta loo doortay Cabdullaahi Xuseen Dali( ZEEY).
Wasiirka ayaa u rajeeyay guddoomiyaha cusub ee kubadda cagta magaalada Jowhar inuu boorka ka jafo Sports-ka magaalada oo dib u dhac badan ka jiro wuxuuna Wasiirku balan qaaday in wasaaraddiisa oo kaashanaysa hay’adaha iyo xiriirrada kubadda cagta ee caalamiga ah ay qorshaynayso inay howlgeliyaan dhammaan garoomada ciyaaraha Hirshabeelle si dhalinyaradu u helaan goobo ay ku ciyaaraan.
Wasiir Maxamed Xuseen Ceynte ayaa ballan qaaday inay la shaqayn doonaan maamulka cusub ee ay doorteen bahda kubadda cagta ee Caasimadda Jowhar isagoo ugu baaqay magaalooyinka kale ee Hirshabeelle een weli yeelan maamul Sports la doortay inay is doortaan.

















