9 Janaayo, Baladwayne; Soo Dhaweynta Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Degmada Baladwayne.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Mudane Mohamed Aynte iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne, iyadoo bulshada qeybaha kala duwan ay ka qayb qaateen.
Maayarka degmada, Nadar Malin Tabac, Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle, Guddoomiyaha Dhalinyarada Hirshabelle, Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka, iyo Guddoomiyaha Isboortiga degmada Iyo bulshada qaybaheeda ayaa qaybg ka ahaa so dhawaynta.
Ujeedada safarka wasiirka ayaa ah in uu kuurgalo xaaladda dhalinyarada iyo tartamada isboorti ee lagu xoojinayo isdhexgalka iyo nabadda, kuwaas oo lagu qaban doono degmada Maxaas iyo Mataban.
Wasiirka ayaa si gaar ah uga mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay, wuxuuna muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la taageero midnimada dhalinyarada si loo hormariyo mustaqbalkooda.




















