10 January 2025, Laqanyo Stadium, Baldwayne;
Wasaaradda Dhalinyaradda Isboortiga Hirshabelle ayaa Wasiirkeeda Mudane Mohamed Aynte oo safar shaqo ku joogo Baladwayne, booqasho iyo indho-indhayn u tagay garoonka Laqanyo Stadium ee Baladwayne.
Booqashadan Wasiirka ayaa ahayd mid uu u kuurgalayo baahiyaha garoonka, oo u baahan dayactir, iyo sidii garoonka loogu heli lahaa rooga cagaaran ee garoomada.
Maayarka degmada iyo bahda isboortiga, oo ka hadlay booqashada, ayaa sheegay in dhalinyaradu ay si weyn ugu baahanyihiin dayactirka garoonka, iyagoo bulshadu balan qaaday inay kaalin ka qaadan doonaan sidii loo dhisi lahaa garoonka oo ay jeclaan lahaayeen in ay ku dhistaan garoonka qaab wadajir ah.
Wasaaradda, oo dhawaanahan ku howlanayd wax ka qabashada garoomada, ayaa hirgelisay dhismayaal cusub oo garoomo ah, iyadoo si dhow uga shaqeyneysa dhismayaasha iyo roog saarista garoomada waaweyn ee labada gobol, gaar ahaan Jowhar iyo Baladwayne iyadda oo kaashanaysa bulshada iyo Hay’adaha la shaqeeeya Wasaaradda.















