14 Janaayo 2025, Maxaas.
Tartanka Kubadda Cagta ee Xaafadaha Maxaas Iyo Nawaaxigeeda
Tartanka Kubadda Cagta ee xaafadaha degmada iyo nawaaxigeeda ayaa si weyn uga qabsoomay garoonka Kubadda Cagta ee degmada Maxaas.
Kulankii galabta, waxaa ciyaar xiiso leh ku dhexmartay kooxaha FC Durdur iyo FC Ceelgaab, iyadoo ciyaarta ay ku dhammaatay 1 gool iyo waxba, guusha ku raacday FC Durdur !.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa u daawasho tagay maamulka heer gobol, heer degmo, iyo dadweyne fara badan, Taageerada xooggan ee ka imaaneysay taageerayaasha ayaa muujisay sida ay muhiimka u tahay ciyaaraha bulshada iyo isdhexgalka.
Garoonka Kubadda Cagta ee Maxaas ayaa ka mid ah mashaariicda xasilinta ee, taasoo ay hirgelisay Wasaaradda iyada oo kaashanaysa Hay’ada Nis Foundation, oo kamid ah hay’adaha si dhaw ula shaqeeya Wasaaradda. Kulamada noocaan oo kale ah ayaa aad uga qayb qaata nabadda iyo isdhexgalka dhalinyarada.
Mahadsanidiin dhammaan taageerayaasha iyo ka qeybgalayaasha !

















