26 July Jowhar;Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle Mudane Mohamed Aynte ayaa ka gaybgalay Kulan uu Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay oo kala ah FAO, IOM iyo UNHABITAT.
Wafdigan ayaa ka koobnaa Wakiilka Hay’adda IOM Frantz Celestin, Wakiilka FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo Madaxa Mashaariicda Hay’adda UNHABITAT Sebastian May oo ay weheliyeen Agaasimayaasha iyo hawlwadeennada mashriicda kala duwan ay hay’adahaan ka fuliyaan deegaannada Hirshabeelle.
Shirkiii Guud kadib ayaa wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaruhu wuxuu Kulamo gooni ah la yeeshay waftiga Isaga oo kala hadlay Mudnaanta Wasaaaradda ee dhanka Hormuarinta Dhalinyarada, Shaqa abuurka, Dib u habaynta Garoomada Kubada Cagta iyo Si gaaar ah baahida Loo qabo in si deg deg wax looga qabto garoomada Kubada Cagta Caasimada iyo kan Magaaalada Baladwayne iyo Guud ahaan sidii qayb wayn looga siin lahaa Mashaariicda Xasilinta deegaannadii cadowga laga xoreeyay Ee Hirshabeelle.
















