Jawhar:- 28 September 2022.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Ceynte Ayaa Aaladda Fogaan Aragga kula qaatay Guddoomiyaasha Ciyaaraha & Xirriirka Ciyaaraha Dowladda Hirshabelle.
Ujeedka Kulanka ayaa ahaa sidii looga tashan lahaa hormarinta Ciyaaraha Ee Deegaanka iyo Sidii talo midaysan looga qaadan lahaa dhisidda Xulkii tartamada dowlad goboleed yada ku Matali lahaa Dowlada Hirshabelle.
Hay’adda BINAA SOMALIA ayaa si is-xilqaan (Voluntery) ah uga caawinaysa Wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha Hirshabelle Sidii qiimayn (Asssesment) loogu samayn lahaa adeegyada Sports-ka ee dowladda Hirshabelle iyo sidoo kale xog uruurin ku saabsan sida ugu wanaagsan ee Loo dhisi karo Xulka Kubadda Cagta Ee Hirshabelle.
Dhammaan kasoo qaybgalyaasha Kulanka ayaa bogaadiyay in Wasaaraddu tashi kula soo noqoto Maamullada ciyaaraha deegaanka iyaga oo balan qaaday in tashigaas ay bulshada ku celinayaan sidii talo midaysan looga qaadan lahaa hormarinta Ciyaaraha iyo dhisidda Xulka Kubadda Cagta ee Hirshabelle.
Waxaa lagu balamay in dib la iskugu soo noqdo marka Xog aruurinta soo dhamaato si taladii kasoo baxday wax qabad loogu badali lahaa iyada oo lala kaashanayo dhamaan bulshada Reer Hirshabelle.













