10-08-20222-JOWHAR- Wasiir ka wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha DG Hirshabelle Mudane Mohamed Hussien Aynte ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada mudane Cumar Gaaboow.
Xaflad uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshababelle Mudane Yusuf Axmad islamarkaana ka dhacday magaalada jowhar ayuu madaxweyne ku xigeenku kula dardaarmay wasiirka cusub inuu dar-dar galiyo howlaha baaxada leh ee horyaala wasaarada dhalinyarada isagoo dhanka kale wasiir Mohamed Aynte u balan qaatay madaxweyne ku xigeenka in wasaarada dhalinyarada la imaan doonto is badal dhab ah.








