14 Janaayo 2025, Maxaas.
Daahfurka Garoonka Kubadda Cagta ee Degmada Maxaas
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad wehliye oo uu wehliyo gudoomiye kuxigeen ka Gobolka ee Maaliyada & Siyaasada Xasan Carabeey, Gudooomiyaha degmada maxaa iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda Mudane Yusuf Abdi Farah ayaa si rasmi ah u daahfuray garoonka kubadda cagta ee degmada Maxaas.
Garoonkaan kubadda cagta wuxuu qayb ka yahay mashaariicda xasilinta oo ay wasaaradda u dhistay dhalinyarada Maxaas si kor loogu qaado nabadda iyo isdhexalka dhalinyarada degmada iyo nawaaxigeeda.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Waxaa ka go’an in garoonkani uu noqdo goob lagu horumarinayo ciyaaraha iyo wadajirka dhalinyarada, isla markaana uu kaalin weyn ka qaato xoojinta nabadda iyo isdhexgalka bulshada.


















