*Jowhar 06 April 2023* Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha dowladda Hirshabelle mudane Maxamed Xuseen Ceynte ayaa maanta magaalada Jowhar ku daahfuray tababar Ia xiriira qaabaynta hal abuurka ganacsiga ee qaybta ka ah mashruuca DALBILE YOUTH kaas oo ay dhallinyaro kala duwan oo dowlad goboleedka Hirshabeelle ahi ka faa’iidaysan doonaan marka ay hirgeliyaan fikirkooda ganacsi oo loo maalgelinayo.

Intii uu socday daahfurka Mashruuca Dalbile, Wasiirka ayaa ka warbixiyay sida dhalinyarada lagu soo xulay asagoo xusay iney u badan yihiin Dhallinyaro Waxbaratay oo ka kala yimid Jamaacadaha & iskuulada Magaalada Jowhar ku yaalo kuwaa oo la bari doono habka fikrad qaabeynta & Hal abuurka Ganacsiga, Tababarka 1aad ee Fikrad Qaabeynta Ganacsiga waxa ka faa’ideysan doono in ka badan 80 Dhallinyaro ah kaaso socon doono mudo shan maalin ah Sidoo kale Wasiirka ayaa si guud dardaaran u siiyay in dhillinyarada ay ka faa’ideystaan mashruucan oo ah mid ka jawaabi doono baahiyada la xiriiro maal-galinta isagoona ugu u mahadnaqay EU, UNFPA iyo Hay’ada IRISE kuwaasi oo si hagar la’an ah wasaaradda uga saacidaya Fulinta iyo fududeynta Mashruucaan.

Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Hirhabelle ayaa muujiyey in Wasaaradu ay markasta garab taagan yahay dhalinyarada Iyadda oo door weyn oo muuqda ka qaadan doonto hormarka Dhalinyarada Dowlada Hirshabelle.