5 September, Nairobi: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamed Aynte oo ka mid ah ah wafdiga Wasiiirka Dhallinyradda iyo cayaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud ee ka qayb galaya shirka cimillada Afrika ayaa maanta xafiiskiiisa Kula kulmay Wasiiirka Dhalinyaradda Kenya HON. ABABU TERRAH NAMWAMBA oo door wayn ku lahaa qabsoomida Shirkii Cimillada Dhalinyradda Afrika ee 1-dii ilaa 3 bishaan ka qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaana qabsoomidda kulankan Fududeeyay Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya.
Kulankan oo ahaa mid isbarasho ayaa Wasiir Mohamed Aynte waxuu ka mahadceliyay soo dhawaynta uu u sameeyay Wasiir ABABU TERRAH NAMWAMBA isagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay uleedahay wada shaqaynta, khibrad iswaydaarsiga Barnaamijyada Dhallinyradda iyo Isboortiga labada dal .
Ugu danbeyntii Ayaa Wasiir ABABU TERRAH NAMWAMBA, wasiirka Dhaliinyarada Kenya waxa uu balan qaaday in uu diyaaar u yahay taageerida barnaamij-yada Dhalinyaradda iyo Isboortiga labada dal ee walaalaha ah Iyada oo la marayo Iskaashiga Labada wasaaradood ee JFS iyo Kenya.
Kulanka ayaa wuxuu kusoo idlaaday isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo ku qotoma xiriirka wacan iyo daris wanaaga labada dal.

















