1 January 2025,Baldwayne;

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga Hirshabelle, Mudane Yusuf Abdi Farah ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar muhiim ah oo loogu talagalay qaar ka mid ah dhalinayrada degmada Baladwayne. Tababarkan ayaa si gaar ah diiradda u saarayay kor u qaadida fahamka xirfadaha teknolojiyada ee dhalinyaradda.

Tababarkaan, oo ay ka faa’iideysteen hoggaamiyaasha iyo xirfadlayaasha dhalinyaradda degmada ayaa siinayay fursad ay ku xoojiyaan aqoontooda iyo xirfadaha la xiriira teknolojiyada casriga ah. Agaasime Yusuf Cabdi Farah ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay mid muhiim ah oo ka caawinaya dhalinyaradda inay horumariyaan aqoontooda iyo xirfadaha ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan mustaqbalkooda.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle waxaa ka go’an awoodsiinta dhalinyaradda dhinaca teknolojiyada, waxaana qorshuhu yahay in tababarada noocaan ah la sii wado si loo gaarsiiyo dhammaan dhalinyaradda Hirshabelle.