Jowhar- April 01, 2023:-

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Hirhabelle mudane Maxamed Xuseen Ceynte oo ay weheliyaan Xubno katirsan Labada Gole ee Dowladda Hirshabelle ayaa Ku dhawaaqay Ololaha Dib udhiska Garoomada Kubada Cagta ee Hirshabelle oo Wajigiisa koowaad lagu Daah-furay Garoonka Kubadda Cagta Jowhar ee Shongole Stadium.

Wasiirka iyo Xubnihii la socday ayaa Qiimeyn guud ku sameeyay Garoonka iyagoo Warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Degmada Jowhar iyo Injinneerkii loo xilsaaray Qiimeynta Garoonka.

Wasiir Maxamed Xuseen Ceynte iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa guda gallay howsha dib u dhiska garoonka iyagoo ka qayb-galay jarista geedka garan-waaga oo gudaha garoonka ka baxay.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Degmada Jowhar Cabdullahi Sey iyo Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Hirshabelle Yuusuf Xaamud Jaras ayaa caddeeyay faa’iidooyinka uu dib u dhiska garoonkani u leeyahay magaalada Jowhar iyo guud ahaan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Cismaaan Maxamed Muqtaar Baarey Gudoomiyaha Degmada Jowhar iyo Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Dib u heshiisiinta isku xirka iyo Federaaleynta Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Maxamed Tooxow Cabdi iyo Xildhibaan Macaani Xaaji Axmadey Aarow oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa iyaguna qayb ka ahaa mashruucan lagu daahfuray dib u dhiska garoonka.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Dowladda Hirshabelle ahna Kusimaha Wasiirka Mudane Cabdishakur Shaashaa ayaa Ka waramay Ahmiyada dhismaha Garoonkan uu leeyahay waxaana uu baaq u diray Madaxda Dowlada Federaalka iyo Bulshada Hirshabelle inay ka qayb qaataan dib u dhiska garoonkan.

Qorshaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Hirshabelle ayaa ah in dhallinyarada ku sugan magaalada Jowhar iyo degmooyinka dhowaan laga xoreeyay cadowga Al-Shabaab ay helaan goobo ay ku ciyaaraan si loo xoojiyo is-dhexgalka iyo xasilinta dhulka la xoreeyay.