1 September, Nairobi:Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamed Aynte oo ka Mid ah ah weftiga Wasiiirka Dhallinyradda iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb galaya shirka cimillada dhallinyarada Afrika oo maantay ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaas oo hordhac u ah Shirka Cimillada Afrika oo 4-6 bishaan ay leeyihiiin Madaxda wadamada Afrika.
Shirka waxaa furay Madaxweynaha Dowladda Kenya Dr. William Ruto, waxaana goob-joog ka ahaa madax ka kala socotay dalalka Afrika, wasaaradaha dhallinyarada Afrika Iyo ururrada Dhalinyradda ee u ololeeya ilaalinta deegaanka.
Shirkan Cimillada Dhallinyarada Afrika ayaa socon doona mudo sadex maalmood ah waxaana xoogiisa diirada lagu saari doonaa habka ay dhallinyarada uga qayb qaadan lahaayeen isbedellada cimillada oo saamayn ba’an ku haysa dunida oo dhan.

















