Jowhar July 24/2023:- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Hirshabelle Mudane Mohamed Aynte Ayaa Maanta daahfuray mashruuca Hiigsi Competition oo ay kusoo baxeen 33 dhallinyaro ah oo leh hal-abuur ganacsi kuwaas oo kasoo dalbaday Hirshabeelle.

Maanta ayaa ahayd maalinta 1-aad ee la daahfuray Mashruuca Hiigsi Competetion iyadoo uu wasiirku hadallo dardaaran iyo gubaabo ah u jeediyay dhallinyarada soo baxday ee 33 ka kooban, wuxuuna kula dardaarmay in ay dadaalkooda halkaa kasii wadaan Iyada oo wixii talo iyo tusaale ahna ay wasaaradda la garab istaagi doonto hadii alle idmo.

Wasiirka Wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa u mahadcelinayay Hay’adda BINAA SOMALIA oo Wasaaradda kala shaqaynaysa mashruucan balaaran ee faa’iidada badan u leh dhallinyarada reer Hirshabelle iyo guud ahaan Dhalinyrada Soomaaliyeed.

Dhallinyarada ayaa heli dooona tababaro iyo hagid inta uu mashruuca socdo Iyadda oo ugu dambayna dhallinyaradii guulaysata la siin dooono Maalgelin lacageed si ay ugu maalgashtaan ganacsigooda.