Jowhar, 4 July 2023.
Wasiiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabeelle Mudane Mohamed Aynte ayaa maanta ka qeyb galay Madasha Dadweynaha & Hay’adaha Dowladda oo uu soo qaban qaabiyey Machadka Hirshabelle Institute for Public Adminstration and Governance oo lagu qabtay Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Jowhar, taasoo ah Madal Wada-hadal Bulsho oo ay Dadweynaha Su’aalo ku weydiinayaan Hay’adaha Dowladda lana xisaabtamayaan, waana markii ugu horeeysay oo uu qabto Machadka HIPAG ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Madal noocaan oo kale ah.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ayaa dadwaynaha uga jawaabay su’aalo la xiriira qorshaha Wasaaradda ee deegaanada laga xoreeyay cadowga Al-Shabaab, wuxuuna wasiirku la wadaagay dadwaynaha Madasha ka soo qayb-galay in wasaaraddiisu wado qorsheyaal cad cad oo lagu horumarinayo dhallinyarada ku nool deegaanada dhowaan la xoreeyay iyo guud ahaan Hirshabelle.
Dhinaca kale wasiir Mohamed Aynte ayaa Madasha ka sheegay dadaalada ay wasaarada dhallinyarada iyo cayaaraha Hirshabelle ku hormarinayso garoomada ciyaaraha ee Hirshabelle, wuxuu caddeeyay in ilaa afar Garoon oo Caws-ka Cagaaran saaran yihiin oo casri ah ay wasaaraddu diyaarisay qorshahooda haddana ay Dhameystireen dhismaha Garoonka Degmada Balcad oo Mudaxweynuhu uu xariga ka jari doono isagoo intaas raaciyay in Dhawaan ay Wasaaraddu bilaabi doonto Dhismaha Garoonka kubadda Cagta Degmada Jowhar oo Qiimeyntiisa & Naqshadeyntiisa ay soo dhamaatay lana kaashan doonaan Bahda Ciyaaraha Hirshabelle iyo Hay’adaha caalamiga ah Sidoo kalena Dhismaha Labo Garoon oo Casri ka bilaabi doonaan Gobolka Hiiraan Waxaa kale oo Wasiirka Bogaadiyey Ururka Dhalinyarada & Haweenka Gobolka Shabellaha Dhexe Sida wacan ay wasaarada u garab taaganyihiin oo ay ula shaqeeyaan.
Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaarada ayaa u mahadceliyay Machadka HIPAG ee Hirshabelle Qabanqaabada Madasha & Sida ay isugu xireen Bulshada Hirshabelle & Hay’adaha Dowladda, wuxuuna wasiirku soo jeediyay in la kordhiyo kulamada noocan oo kale ah.











