Jowhar, 8 July 2023.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle Mudane Mohamed Aynte oo uu wehliyo Agaasimaha Wasaarada Yusuf Abdi Farah & Wasiiro ka mid ah Dowlada Hirshabelle & lataliye Sare ee Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maanta ka qeyb galay Madal lagu soo bandhigayey saameynta mashruuca Dalbile uu ku yeeshay bulshada ku nool deegaanada Hirshabelle & sida ay ugu faa’ideysteen bulshada oo lagu qabtay Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Jowhar taaso ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinysrada & ciyaaraha Dowladda Hirshabelle.

Mashruuca Dalbile waa mashruuc loogu talagalay iney ka faa’idestaan dhalinyaradda taaso loogu sameeya tababaro xirfado lagu baranaayo sidokale maalgelin lacageed oo loo sameeyo dhalinyaradda Hal abuurka ganacsiga leh si loogu hortago shaqo la’aanta & tahriibka dhalinyaradda Hirshabelle.

Madasha waxaa qeyb ka ahaa dhalinyariidii Mashruuca Dalbile horay ugu faa’ideysatay sadexdii Sano ee la soo dhaafay si wax loogu weydiiyo waxtarka uu u lahaa Mashruucaan & in ay bulshada ugu faa’ideysteen, caqabadihii Mashruuca iyo in uu Mashruuca ku socdo sidii loogu talagalay ee waxtarka u lahayd bulshada.

Waxaay Sidokale Dhalinyarada kaga hadleen caqabadihii horay u soo arkeen & wixii talo bixin ah mashruuca wejigiis labaad waxyaabaha lagu soo kordhin lahaa oo muhiim u ah dhalinyaradda Hirshabelle.

Wasiirka Wasaaradda dhalinyaradda & Ciyaaraha wuxu u mahadceliyey EU, Dowladda Natherland & UNFPA fulinta mashruuca Dalbile Wuxuna muujiyay inu gaabis ka jiro fulinta mashruucaan wuxuuna ugu baaqay in dhamaan Dhalinyaradda Hirshabelle loogu faa’ideyso Warbixinta waxyaabihii kaso baxay Madashii marna uu la wadaagi doono.

Ugu danbeyn Wasiirka Wasaarada Dhalinyaradda Dowlada Hirshabelle aya dhalinyarada ugu baaqay iney so dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Sidokale wuxu cadeeyay Wasiirka ka wasiir ahaan inu diyaar u yahay inu la shaqeeyo dhalinyaradda Hirshabelle waxkasta oo dhalinyarada lagu hormarinkaro wasaaradda diyaar u tahay oo ka shaqeeyn doonto marweliba.