14 December 2024, Baldwayne;
Tartankan ayaa ka dhacay Garoonka Bulaxaabley ee Xaafada Xaawo Tako ee Beledweyne ayaa waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Mudane Mohamed Abdullahi Dahie, Gudoomiyaha Isboortiga Degmada Beledweyne Mudane Ismail Ali Hassan (Zidaani), rugcadaayadii isboortiga Gobolka Hiiraan, iyo bulshada kale oo tiro badan.
Tartanka ardayda Jaamacada Green Hope faraceeda Beledweyne ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, waxaana la qabtay in uu dhiirrigeliyo isdhexgalka dhalinyarada iyo horumarinta isboortiga ardayda.
Iyada oo laga duulayo dib u habeynta isboortiga, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle ayaa dhawaan qaban doonta tartamo isboorti oo lagu xoojinayo isdhexgalka dhalinyarada Hirshabelle, kuwaas oo ka kala dhici doona Mataban, Farlibaax, iyo Aadan Yabaal. Sidoo kale waxa ay Wasaarada qorshaynaysaaa dhismaha garoomo kubadda cagta ah oo la hirgalin doono hadii Alle idmo.














