20 December 2025,Baldwayne;

Magaalada Beledweyne ayaa martigelinaysay maalmahan tartan xiiso leh oo kubadda cagta ah kaasoo ay taageereysay Shirkadda Korontada Dayax iyo Wasaaradda Dhalinyarada. Mayarka magaalada Marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa soo xertay tartankan oo dhexmaray afarta koox ee ka socday xaafadaha magaalada.

Cayaarta finalka ayaa u dhaxaysay kooxaha Xaawo-Taako iyo Buundo-weyne, waxayna ku dhammaatay 2-2. Kooxda Buundo-weyne ayaa ku guuleysatay koobka iyagoo ka faa’iideystay gool ku laad (rigooro). Kooxda kaalinta labaad gashayna waxaa la guddoonsiiyay abaalmarino kale.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb-galay Maayarka degmada Marwo Nadar Tabaax, Guddoomiyaha Dhallinyarada dowladda Hirshabelle Mudane Abdirisak Mohamed Al-cadaala, Gudoomiyaha Dhalinyaradda Gobolka Mohamed Abdullahi Dahie, Guddoomiyaha Isboortiga Baladwayne Mudane Ismail Ali Hassan ( Zidaani), khubaro Isboorti iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Beledweyne, Gashanlle Cabdullaahi Maxamuud Siyaad iyo dadwayne badan oo usoo daawasho tagay.

Wasaaradda Dhalinyaradda waxay si gaar ah u mahadcelinaysaa Shirkadda Korontada Dayax oo mar walba kaalin mug leh ka qaadato dhiirigelinta dhalinyarada kuwaa oo ah awoodda bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, wasaaradda waxay bogaadinaysaa maamulka degmada, hay’adaha amniga, iyo gudoonka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Baladwayne oo qeyb wayn ku lahaa tartankaan is-dhexgalka dhalinayrada.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle oo kaashanaysa Wasaaradda waxbarashada Hirshabelle waxa ay dhawaan ka shaqaynayaan sidii loo qaban lahaa tartanka dugsiyda waxbarashada Iyadda oo lagu bilaaabi doono Degmada Baladwayne & Jowhar kadib na la gaarsiin doono dhamaan degmooyinka Hirshabelle.