Balcad 14-01-2023:- Wasiiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud, wasiirka wasaarada Dhalinyrada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Caynte, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dhalinyrada iyo ciyaaraha Mudane Maxamuud Bariire, Xildhibaanno Ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Xiriiirka Kubada Cagta Hirshabeelle iyo guddoomiyaha degmada Balcad ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Garooonka Kubada Cagta Dr Ayuub Jeenyo ee Ee degmada Balcad.

Garoonkaan oo ay iska kaashadeen bulshada dagmada Balcad ee dowlada Hirshabelle iyo hay’adda IOM ayaa loo dhisi doonaa si Casri ah ayada oo la dhigi doono roogga Cagaaran ee garoomada kubadda cagta la dhigo.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowlada Hirshabelle oo hadal ka jeediyay munaasabadda dhagax dhigga ayaa balan qaaday in Sidaa oo kale wax laga qaban doono garoomada deegaaanada dowlada Hirshabeelle ilaa heer degmo, sidoo kale Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda dhagax dhigga ayaa balan qaaday in wasaaraddiisu qayb ka mid ah garoonka ay ka dhisi doonto xarun dhalinyarada lagu baro farsamada gacanta iyo xirfado u sahli kara inay si fudud ugu biiraan suuqa shaqada.

Dhismaha iyo qalabaynta garoonkan ayaa qayb wayn ka gaysan doonta horumarinta Sports-ka deegaanka iyo in dhalinyaradu hellaan goobo ay isugu yimaadaan.

Wasaarada Dhalinyrada iyo Ciyaaraha iyo dhamaan Masuuliyiinta Xiriirka Kubada Cagta ee dowlada Hirshabelle waxa ay u mahadcelinayaa Gudooomiyaha Degmada balcad Mudane Qaasim iyo Hay’ada IOM oo kaalin wayn ka gaystay hirgelinta Mashruucan.