21 November 2022. Mogadishu Somalia.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyrada & Ciyaaraha dowlada Hirshabelle oo uu wehliyo Agaaasimaha Wasaarada ayaa ka qaybgalay kulankii Sanadlaha Ee Mashruuca taageerida Dhalinyrada ( Dalbile Youth Initiative) kaa oo uu u dhexeeyay Wasaarada Dhalinyrada dowlada Federal ka iyo dowladaha Xubnaha ka ah, hay’ada UNFPA, Dowlada Holland, IRise iyo YPEER oo kamid ah hay’ada wax ka fulinaya Mashruuca Dalbile.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa xog waran iyo qiimayn labadii sano ee uu socday Mashruuca iyo u diyaar garowga sanadkii ugu dambeeyay Mashruuca kaa oo guul iyo is faham kuso dhamaaday.