19 November 2022.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyrada & ciyaaraha Hirshabelle Mudane Maxamed Xuseen Ceynte Ayaa Kulan la yeeshay xubno ka Mid ah Jaaliyadda Reer Baladwayne ee ku nool London kuwaa oo si gaar ah iskugu xilqaamay wax ka qabashada Sports ka degmada Baladwayne iyo guud ahaan Hirshabelle.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa xog waran iyo sidii gudiga iyo wasaaradda ay uga wada shaqayn lahaayeen dhamaystirka Waxyaabaha uu u baahan yahay garoonka Kubada Cagta ee Laqanyo Stadium ee magaalada Baladwayne.

Guddigan ayaa si isxilqaan ah lacag ugu uruuriyay hormarinta Stadium-ka iyo sidii roogga cagaarka ah loo dhigi lahaa garoonka Kubada Cagta taa oo wasaarada ay ahmiyad gaar ah siinayso.

Guddiga iyo wasiirka ayaa Isla gartay in si dhaw u wada shaqeeyaan si loo hirgaliyo Ololo wayn oo lagu hormarinayo garoonka Kubada Cagta ee baladwayne& si guud sidii indhaha bulshada loogu soo jeedin lahaa in si isxilqaan ah wax u qabsadaan.

Kulanka ayaa kuso dhamaaday guul iyo in wada shaqayn Fiican yeeshan wasaarada iyo xubaha kala duwan ee Jaaliyada.