Wasiirka Wasaaradda Dhalinyardda & Cayaaraha Mudane Mohamed Hussein Aynte oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Ilyas Yusuf Dheere, Xildhibaan BFS Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh, Gudoomiyaha Degmada Balcad, Gudoomiyaha Ururka Kubada Cagta Hirshabelle iyo xubnihiiisa ayaa Maanta Si rasmi ah u dahfurey Tababarka Ciyaartoyda Xulka Kubada cagta Hirshabelle.
Wasiirka Dhalinyaradda ayaa sheegey in Dhalinyaradda ay ka kala yimaadeen deegaanada Hirshabelle Iyadda oo dhawaan Tababarka ay ku soo biiri doonaan Ciyaartoy kale oo ka imaan doonto dalka dibadiisa kuwaas oo si iskood ah u doorbiday inay u ciyaaraan dowlada Hirshabelle oo deegaankoodii ah Isagga oo kula dardaarmay sidii ay guulo uga keeni lahaayeen una balan qaaday in wasaaradda iyo madaxda dowladda Hirshabelle ay garab buuxda u yihiin Xulka Kubadda Cagta Hirshabelle.
Wasiir Mohamed Hussein Aynte ayaa ugu dambayn u mahadceliyay Gudoomiyaha Degmada Balcad iyo Bulshada reer Balcad sida quruxda badan oo ay u martigeliyeen muddada ay tababarka ku jiraan Xulka, Sidoo kale waxa uu mahad ballaaran u celiyay Madaxwaynaha Dowladda Hirshabelle HE Ali Gudlawe Hussein oo taageero buuxda u sameeyay xulka iyo soo daabulidoodii, sidoo kale waxa uu u mahadceliyay labeentii bulshadii reer hirshabelle ee maanta u timid sidii ay taageero ugu muujin lahaayeen Xulka Kubadda Cagta Hirshabelle.



















