Jowhar, 27 October, 2023:
Wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Dowladda Hirshabeelle oo ka duuleeyso qorshaheedii ahaa in dib loo soo nooleeyo garoomada cayaaraha deegaanada Hirshabelle, misana dhalinyaradda Hirshabelle looga faa’ideeyo Mashaariicda xasilinta ayaa waxaa u qabsoomay:
Garoomada la dhamaystiray:
- Garoonka Kubada Cagta Dr. Ayuub Jeenyo ee Degmada Balcad. (Dhawaan ayaana xariga laga jari doonaa).
la soo gabagabeeysay Naqshadeynta, una gudubtay tartansiinta ( Tender) shirkadihii dhisi lahaa:
- Garoonka Kubadda Cagta Deg. Aadan Yabaal
- Garoonka Kubadda Cagta Deg. Moqokori
Waxaa sidoo kale meel fiican maraya qorshaha dhismaha garoonka kubadda Cagta Ee Caasimada Jowhar kaas oo Injineeradii ay sameeeyanyaan qiimayntii (assesment) ugu dambeeysay.
Wasaaradda Dhalinyaradda, Bulshada iyo Hay’adaha xasilinta ka shaqeeya oo iskaashanaya ayaa waxaa qaab wax wada qabsi ah ku dhisayaan garoomada Kubadda Cagta Iyadda oo qaarkood bulshadii contribution koodii diyaarinayaan:
- Garoonka Kubadda Cagta Deg. Matabaan. ( Community contribution stage).
- Garoonka Kubadda Cagta Deg. Baladwayne (community discussion stage).
- Garoonka Kubadda Cagta Deg. Farlibaax ( Planning Phase).
Wasiirka Wasaaradda Mudane Mohamed Hussein Aynte iyo dhamaan bahda Wasaaradda waxa ay u mahadcelinayaan Hay’ada IOM iyo dhamaan hay’adaha kale ee nagala shaqeeynaya mashaariicda Xasilinta, Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa Madaxwaynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo mar walba mudnaan gaar ah siiyay arimaha Dhalinyaradda iyo sidii loo soo noolayn lahaa Isboortiga deegaanada dowlad da Hirshabeelle.
Hadafkeennu Waa Horumarinta Dhalinyaradda Hirshabeelle.














