Aadan-Yabaal 19 July 2023: Wasiiru dowlaha wasaaradda Dhallinyrada iyo ciyaaraha dowlada Hirshabelle Mudane Cabdikariim Maxamuud Bariire iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Yusuf Cabdi Faarax ayaa maanta soo xiray kulamo la tashiyo ah oo ay wasaaraddu u qabatay Dhallinyayada Degmada Aadan-Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Kulankan waxaa goobjoog ahaa qaybaha kala duwan ee dhallinyarada Degmada Aadan-Yabaal oo ka mid ahayd degmooyinkii ugu danbeeyay ee Kooxaha Qawaarijta Al- Shabaab laga xoreeyay, kuwaasoo sanado badan ka hortaagnaa dhallinyarada degmada inay wax horumar ah sameeyaan.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo kooxaha dhallinyarada ee ka qaybgelaya kulamadan wadatashiga ah ayaa isla gartay meelaha iyo baahiyaha hortabinta u leh dhallinyarada Aadan-Yabaal, iyadoo la isla qaatay in xoogga la saaro dhinacyada farsamada gacanta iyo xirfadaha gaagaaban, abuurista fursado shaqo iyo dayactirka garoomada ciyaaraha si loo xoojiyo is-dhexgalka iyo xoojinta ammaanka degmada.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Hirshabelle oo kaaashanaysa Hay’adda USAID iyo hay’ado kale ayaa ku howlan fulinta codsiga dhallinyarada Degmada Aadan-Yabaal iyadoo wasaaraddu xoogga saarayso in sida ugu dhakhso badan looga jawaabo baahiyaha dhallinyarada degmada iyo guud ahaan Hirshabelle iyadoo muhiimad gooni ah la siinayo dhulka dhowaan laga xoreeyay Cadowga.

Tan iyo markii la magacaabay Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaarah Hirshabelle Mudane Mohamed Aynte waxay Wasaaraddu gelisay juhdi badan sidii loo hormarin lahaa qorshe howleedka wasaraadda hor tabinta u leh iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha Dhallinyarada Dowladda Hirshabelle Isaga oo safaro badan ku kala bixiyay degmooyin badan oo ka tirsan Dowladda Hirshabelle si uu ugu kuurgalo xaaladda dhalinyarada Hirshabelle ku sugan yihiin.

Ugu danbeyn Wasiir Mohamed Aynte wuxuu u mahadcelinayaa Hay’adda USAID oo howshan baaxadda leh ka taageeraysa, maamulka degmada Aadan- Yabaal iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe Sidii wanaagsayd ay ugala shaqeeyeen wasaaradda taabagelinta howshaan.