Aadan-Yabaal 20-July-2023: Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Hirshabelle oo maalmahan hawlo shaqo ka waday Degmada Adan-Yabaal ayaa soo gabagabaysay

Tartan Ciyaareed loogu magac daray Halgamaa Hibaad Cali Dasar oo u socday afarta xaafadood ee Degmada Aadan-Yabaal, waxaana Kasoo qaybgalay madaxda Degmada, ururrada dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Aadan-Yabaal.

Waxaa xafladda xiritaanka tartanka Kubadda Cagta Degmada Aadan-Yabaal goob joog ka ahaa oo soo xiray Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Hirshabelle iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda.

Tartankan Waxaa Taabagalinaysay wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle oo Kaashanaysa wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxaana dhammaadkii tartanka ku Guulaystay kooxda Kubbadda Cagta ee Dayax.

Wasaaradda dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Hirshabelle oo ka duulaysa baahida dhallinyarada iyo Bulshada Degmada ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii loo hormarin lahaa kubbadda Cagta Degmada Adan-Yabaal iyo dhammaan Degmooyinka kale ee Hoos yimaada Dowladda Hishabelle.

Halgamaa Hibaad Cali Dasar ayaa ka mid ahaa dadka horseeday inay bulshada Hirshabelle iska dulqaaddo heeryada cadowga Argagixisada, isagoo ku shahiiday dagaal uu hormuud ka ahaa oo ahaa kii ugu horeeyay ee macawisley is-abaabushay kala hortagaan kooxaha Khawaarijta.

Ugu danbeyn Wasiirka wasaaradda dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Mudane Mohamed Aynte ayaa baaq dheer u diraya hay’adaha caalamiga ah in ay wasaaradda ku garab siiyaan horumarinta ciyaaraha iyo qorsheyaasha xasilinta ee ka ka socda degmooyinka dhowaan laga xoreeyay cadowga Al-Shabaab.