25 May 2023, Mogadishu.
Wasiiirka Wasaarada Dhalinyrada iyo Ciyaaraha Hirshabelle, Agaaasimaha guud ee wasaarada ayaa magaalada muqdisho uga qaybgalay Kulanka guddiga Hagida Mashruuca Dalbile (Steering committee) oo ay martigalisay Wasaarada Dhalinyrada iyo Ciyaaraha XFS.
Ujeedka Kulan ka ayaa ahaa xog waran waxii ka qabsoomay mashruuca oo Sanadkiisii ugu dambeeyay kujiro, Iyadda oo wasiirka wasaarada uu soo jeediyay in Sixitaan badan lagu sameeyo Mashruuca Inta harsan si ay uga faai’daystaan Dhalinayarad Hirshabelle. Sido kale wasiirka ayaa bogaadiyay in wajiga labaad ee Mashruuca talo badan laga galiyo Dowlad goboleedyada si la isku la meelmariyo mashruuc guulaystay oo wax badan ka qabta dhalinyarada dowlada Hirshabelle.
Intii uu Kulanka socday ayaa waxaa loo mahadceliyay midowga Yurub & Netherland oo Mashruuca maalgalinaya iyo Hay’ada UNFPA & Irise oo fulinta Mashruuca kala shaqaynaya wasaaradaha Dhalinyrada & Ciyaaraha.

















