23 April, 2023:- Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha dowlada Hirshabeelle Mudane Maxamed Xuseen Ceynte ayaa Macalin Cabaas Maxamed Xasan u magacaabay tababaraha diyaarin doona xulka dowladda Hirshabeelle uga qaybgelaya ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee dhowaan ka furmi doona Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay qaban qaabadooda waddo wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee dowladda Federaalka.

Wasiirka Maxamed Caynte ayaa sheegay in macalin Cabaas Maxamed Xasan uu khibrad durugsan u leeyahay laylinta iyo diyaarinta ciyaar-yahannada, wuxuuna amray xiriirka Kubada Cagta Hirshabelle iyo dhammaan dhinacyada ku lug leh horumarinta ciyaaraha Hirshabeelle in ay la shaqeeyaan macalinka si loo soo xulo xul matali kara dowladda Hirshabeelle.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha Hirshabeelle ayaa baaq u dirtay cayaaryahannada reer Hirshabeelle ee dal iyo dibadda jooga inay ka soo qaybgalaan dhismaha xulka si ay kor ugu qaadaan magaca Hirshabeelle oo magaalooyinkiisa waaweyn oo dhani ay caan ku ahaan jireen xirfadlayaal dalka dhan laga xurmeeyo.

Wasiirka ayaa u balan qaaday Macalin Cabaas in wasaaradda iyo Xiriirka Kubada Cagta ba ay si hagar la’aan ah uga la shaqayn doonaan sidii xulka guulo waawayn uga keeni lahaayeen tartamada Sanadkaan.