Jowhar, 3 MAY, 2023 : Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha dowladda Hirshabeelle ayaa soo gabo-gabaysay kulamo wadatashi ah oo la xiriiray siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo todobaadkan ka socday magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle oo noqonaysa dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ka bilowday wadatashiga la xiriira Ansixinta iyo wadatashi siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada oo lagu wado in dhawaan la hor geeyo Golaha Wasiirada ayay dhallinyarada Hirshabeelle ku darsadeen aragtidooda iyo sida ay la tahay in lagu wajaho horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Hirshabelle Mudane Maxamed Xuseen Ceynte ayaa u mahadceliyay wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wasaaraddiisa oo dhallinyarada reer Hirshabelle siiyay fursad ay ra’yigooda ku darsadaan ajandaha qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasiir Maxamed Xuseen Ceynte ayaa ammaanay agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Hirshabeelle mudane Yuusuf Cabdi Faarax oo isu keenay dhallinyarada Hirshabelle si ay ra’yigooda ugu darsadaan siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed.