Jowhar, 23rd, October, 2023:- Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Hirshabelle Mudane Ilyaas Yusuf Ibrahim oo ay wehliyaan Gudooomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar (Cismaan Baareey) Iyo Gudoomiyaha Ururka kubadda cagta Hirshabelle Yusuf Xaamud Jaras ayaa kormeer iyo Qiimayn kusoo sameeyay garoonka kubadda Cagta Degmada Jowhar oo ay wasaaraddu ku howlanayd sidiii dayactir iyo dib u dhis casri ah loogu samayn lahaa.

Kormeerkan Mas’uuliyiinta Dowladda Hirshabelle waxaa ku wehelinayay Engineero ka socday Hay’adda IOM oo Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Dowladda Hirshabelle ka taageeraysa dhismaha garoonka Iyadoo Dowlada iyo shacabka Hirshabelle ay qayb wayn ka qaadan doonaan dhismaha garoonka Kubada Cagta oo si Casri ah Loo dhisi doono.

Qiimaynta Engineerada ee ku howlan naqashada Garoonka kadib ayaa Wasaaradu waxay si rasmi ah dhawaan ugu dhawaaqi doontaa xilliga rasmiga ah ee dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Degmada Jowhar bilaaban doono Iyada Oo ay Wasaaraddu kaashanayso hay’adda IOM iyo Shacabka Degmada Jowhar.

Ugu danbeyn Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Hirshabelle waxay u mahadcelineysaa Hay’adda IOM sida ay ugu heelan tahay ku garabsiinta Wasaaaradda dhismaha Garoonka Kubada Cagta Degmada Jowhar Sidoo kale waxay mahadcelin gaar ah u jeedineysaa Bulshada & bahda Ciyaaraha Degmada Jowhar sida ay Wasaaradda u garab taagan yihiin howlaha ay wado si gaar ah Dhisamaha Garoonkaan oo so casri ah loo dhisi doono.