14 October, Jowhar: Wasiirka Wasaaaradda Dhalinyaradda & Cayaaraha dowlada Hirshabeelle iyo dhamaan Bahda Wasaaradda waxa ay hambalyo u dirayaan Mudane Mohamed Abdullahi Dahie oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobolka Hiiraan kaa oo ku guulaystay Doorasho ka dhacday Magaalada baladwayne Ee Gobolka Hiiraan.

Mudane Mohamed Abdullahi Dahie iyo dhamaan Gudoomiyaasha kale ee degmooyinka ayaa ka shaqayn doono doorasho qof iyo Cod ah oo Laga samayn dooono dhamaan degmooyinka Dowladda Hirshabeelle sida ku cad habraacyada Dhisida Ururuka Dhalinyaradda Qaranka min heer Degmo ilaa heer Qaran oo dhawaan dalka oo idil Laga hirgalin doono Hadii Alle idmo.

Ugu Danbeyn Wasaaaradda Dhalinyaradda & Cayaaraha dowlada Hirshabeelle waxay markasta u taagan tahay horumarinta dhamaan arimaha Dhalinyaradda ku nool Dowladda Hirshabelle & ka shaqeynta Shaqo abuur dhalinradda loo loo sameeyo, si loo yareeyo tahriibka & maandooriyaha Sidokale horumarinta arimaha isboortiga si loo heli dhalinyaro maskax fiyow oo jir caafimaad leh qabta.