28- 30 August- Kazan Tatarstan:- Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamed Aynte ayaa dalka Ruushka kaga qayb-gelay Shirwaynaha 2aad ee dhallinyaradda adduunka “Second Kazan Global Youth Summit” oo ay marti gelisay dowladda goonida isu-maamusha ee Tatarstan oo xubin ka ah Midowga Ruushka.
Shirkan ayaa ka dhacayay Caasimadda Tatarstan ee Kazan waxaana ka soo qayb-galay wasiiradda dhalinyaradda iyo cayaaraha qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka wadamada Islaamka OIC, Madaxda ururada Dhalinyarada OIC, ururro caalami ah iyo qaar ka mid ah hoggaanka ururrada Dhalinyradda dalka Ruushka.
Ajendaha ugu wayn ee Shir sanadeedkan ayaa waxaa looga doodayay kaalinta soo jireenka ah ee qiyamka, waxbarashada caruurta iyo dhalinyaradda dunidan casriga ah, intaa waxaa dheeraa kulamo doceedyo kala duwan oo lagu gorfeyay habka ugu wanaagsan ee lagu dhisi karo qiyamka Qoyska, waxbarashada iyo amniga nololeed ee shakhsiga Dhalinyradda ah, ixtiraam wadaaga iyo xiriirka saaxiibtinimo ee bulshada.
Wasiir Mohamed Aynte aya Inta uu Shirka socday waxa uu la kulmay wasiirka Dhalinyradda Iyo cayaaraha Tatarstan Mudane Rinat Sadykov, Madaxwaynaha Tatarstan Rustam Minnikhanov iyo Dr. Aboubakari Giapo oo ah madaxa Dhalinyradda & Cayaaraha OIC-da Isaga oo uga mahadceliyay martigelinta iyo soo dhawaynta ay u sameeyayeen qaybgalayaashii Shirka Kazan Global Youth Forum 2023.

















