Waxqabadka Wasaaradda Dhalinyadda & Cayaaraha Hirshabelle Mudadii Halka Sano aheyd?

1-dii August 2022 ayay ahayd markii Madaxwaynaha Dowlada Hirshabeelle uu magacaabay Golihiisa Wasiirada oo Wasaarada Dhalinyradda & ciyaaraha ay qayb ka ahayd.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada & Cayaaraha Dowladda Hirshabel Mudane Mohamed Aynte wuuxu xilka la wareegay 10-kii Augusto 2023 kulankaas oo uu Goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Hadaba Mudadiii Halka sano maxaa inoo qabsoomay;

1. Dajinta Qorshe 1 Sano ah Oo KMG ah oo wasaaradu yeelatay taas oo buddhig u ahayd howlaha wasaaaraddu qabanayso.

2. Qoridda Siyaasadii wasaaaradu ku shaqayn lahayd ( HR, Procurement, Financial & Donor Engagements IWM).

3. Qabashada Xuska Maalinta Dhalinyaradda Aduunka (12 August international youth day).

4. Fududaynta Doorashadii Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Degmada Jowhar.

5. Dayactir ka & Xarig jarka Garoonka Kubada Kolayga Jowhar iyo tababarka Hogaanadiii Kooxaha Kubada Kolayga.

6. Kulan guud ee Jowhar la iskugu keenay Dhammaan Gudoomiyaasha Dhalinyarada Degmooyinka Dowlada Hirshabeelle oo lagu barayay teamwork & doorkooda Nabaddaynta.

7. Dhagax dhidga Dhismaha Garoonka Kubada Cagta ee Dr. Ayuub Jeenyo Ee Degmada Balcad kaa oo dhawaan xariga Laga Jari doono.

8. Shaqo Abuur ay ka Faa’idaysteen 32 hal abuur Ganacsi. ( Dalbile & Hiigsi Competition).

9. Soft skills training Loo sameeyay 50 Dhalinyro ah ( Dalbile ).

10. Ka doodis & Talo bixin lagu sameeeyay Siyaaasada qaran ee Dhalinyrada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Jowhar.

11. Xuska Maalinta Dhalinyrada Soomaaliyeed 15 May oo lagu qabtay degmooyinka Warsheekh & Maxaaas.

12. Tababar ku saabsan Doorka ka qaybgalka Dhalinyrada ee xalinta Khilaafaadka oo lagu qabty Jowhar kaas oo lagu tababaaray 80 Dhalinyro.

13. Kulanwayne Bulsho oo lagu soo bandhigiyay Saameynta Mashruuca Dalbile ee Bulshada Degmada Jowhar oo loo qabtay Dhalinyraddi ka Faa’idaystay Mashruuca.

14. Tababar loo qabtay Dhalinyarada Degmada Aadan Yabaal oo lagu tababarayay ( leadership skills, youth civic engagements sidoo kale Baahiyada Dhalinyrada ay qabaan lagu ogaaanayay).

15. Koobka Nabadda & Is Dhexgalka bulshada oo Loo qabtay 4-ta Xaafadood ee Degmada Aadan yabaal.

16. Tababaro Dhallinyrada Degmada jowhar ee ka yar 17 jirada ah oo lagu barayay amniga bulshada & ka hortaga maandooriyaha.

17. Tartan Kubadda Cagta oo Loo qabtay Dhalinyrada 17 jirada ee degmada Jowhar.

18. Daahfurka Tababar ku saabsan tayeynta & dhiirigelinta Dhalinyarada ku nool Aadan Yabaal.

19. Kulan weyn oo loo qabtay Bahda Isboortiga Degmada jowhar oo looga tashanayay Hormarinta Isboortiga Degmada.

20. Wanaajinta Xiriirka wada shaqayn ee Wasaaarada Dhalinyradda XFS, Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed & Guddiga Olympic-da Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale la abuuray wada shaqeynta hay’ado cusub oo la shaqeeya wasaarada Dhallinyarada iyo cayaaraha ee Dowlada Hirshabelle.

Ugu dambayn, Wasaaradda Dhallinyarad & Cayaaraha Dowladda Hirshabelle waxay mar walba u taagantahay horumarinta Dhallinyarada Hirshabelle & arrimaha cayaaraha si loo helo dhallinyaro leh jir caafimaad qaba iyo maskax caafimaad qabta.