6 July Jowhar: Wasaaradda Dhalinyradda iyo Ciyaaraha iyo Maamulka degmada Jowhar ayaa wada jir ah usoo gunaanuday Koobkii Loo qabtay Dhalinyrada da’dooda ay ka yartahay 17 jirada ee Xaafada Degmada Jowhar.
Tartankaan ayaa waxaaa iska kaashaday Maamulka Degmada Jowhar iyo Wasaarada Dhalinyradda Hirshabelle & Hay’ada USAID oo taageeraysay taabagelinta howshan Iydda Oo intii uu tartanka socday ay ciyaarayeen ilaa 8 Kooxood oo laga soo xulay 4-ta xaafadood ee degmada, Iyadda oo ay ku guuleysatay Kooxda kubbadda Cagta Buulo Jazeera ay 2-1 kaga badisay Kooxda kubada Baalguri .
Wasiiro ka tirsan Xukuumada Dowlada Hirshabelle, Maamulka Gobolka iyo kan degmada, Xildhibaanada HSS iyo daawadaayaal badan ayaa soo xaadiray Garoonka Shongole Stadium oo kulankaan uu ka dhacayay.
Waxaan u mahadcelinaa Hay’ada USAID, Maamulka Degmada, xiriirka Kubada Cagta Degmada iyo Hay’adaha Amniga Kaalintii wanaatsanayd ay ka qaateen Inta uu tartan ka socday.



















