Jowhar, 31 July, 2023:- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iy Cayaaraha Hirshabeelle Mudane Mohamed Aynte ayaa maanta Kulan wadatashi ah la yeeshay Bahda Isboortiga Degmada Jowhar kaas oo ay ka soo gaybgaleen gudoomiyaaasha Kooxaha, ciyaartooy hore, hormuudkii Ciyaaraha gobolka, xiriirka Kubada Cagta Hirshabeelle iyo kan Degmada Jowhar.
Ujeedka Kulanka ayaa ahaa mid wadatashi iyo xogwaran Ku aadan caqabadaha haysta Isboortiga degmada iyo guud ahaan Hirshabeelle iyo sidoo kale Horumarinta Isboortiga degmada iyo guud ahaan Hirshabeelle taa oo wasaaraddu ay ku hawlanayd sidii isbadel muuqda oo heer walba leh Looga samayn lahaa Isboortiga Hirshabeelle, Loona dhisi lahaa dhamaan Xiriiradii Isboortiga dowlada iyo Xarumihii Isboorti oo leh nidaaam iyo shuruuc dhamaystiran.
Intii Kulanku socday ayaa la isku waydaarsaday talooyin waxtar u leh horumarinta isboortiga Iyada oo lagu balamay in Shirkaan uu gogol xaar u noqdo shirwayne ay iskugu imaan doonaan bahda Isboortiga 20 ka degmo Ee Hirshabeelle si talo Loo dhan yahay loo gaaro oo la xiriirta horumarinta Isboortiga.
Sidoo kale waxaa la Isla gartay Muhiiimadda ay leedahay in Laga wada shaqeeyo dhismaha garoonka Caasimada Jowhar oo wasaaraddu ay qorshihiisa iyo naqshada ba soo dhamaysay iyo sidii bulshada, dowlada iyo hay’adaha caalamiga ahi ugu istaagi lahaayeen Dhaqangelintiiisa Sida ugu dhaqsiyaha badan.

















