Jowhar, 30 July, 2023:- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyrada iy Cayaaraha Hirshabeelle Mudane Mohamed Aynte ayaa maanta daahfuray Tartan Ciyaareeed ay ku tartamayaan 8 Kooxood oo da’da 17 Jirada ah kuwaas oo Laga Soo xulay 4-ta Xaafadood ee Degmada Jowhar ka kooban tahay. Tartankan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Dhalinyradda & Cayaaraha Hirshabeelle, Maamulka Degmada Jowhar & Hay’ada USAID oo taageeraysay Mashruuca.
Tartan ciyaareedkan ayaa gunaanad u ah shaqooyin socday lixdii bilood (6 bilood) ee la soo dhaafay oo ay hay’adda DT Global USAID kala shaqaynaysay Dhallinarada Degmada Jowhar, kuwaasoo loo qabtay tababarro kala duwan oo la xiriira is dhex-galka dhallinyarada, kaalinta bulshadu ku leeyihiin ee dhanka ammaanka iyo xasiloonada.
(Community policing) Iyo ladagaalanka Maandooriyaha.
Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa u mahadceliyay Hay’adda DT Global USAID iyo gudoomiyaha degmada sidii wanaagsanayd ee ay uga Soo shaqeeyeen Inta howshu socotay, Isaga oo baaq dheer u diray hay’adaha caalamiga ah in ay wasaaradda ku garab siiyaan horumarinta ciyaaraha iyo qorsheyaasha xasilinta deegaannada Dowlada Hirshabeelle.

















