Wasiirka Wasaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowlada Hirshabelle Mudane Mohamed Aynte iyo Wasiir kuxigeen Ka Axmed Saneey oo Safaro Shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho ka ayaa Kulan la yeeshay Madaxda Hay’adda IRISE oo kamid ah Hay’addaha Wasaarada Wada-Shaqaynta kala dhaxeyso.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa Isbarasho iyo Is faham guud oo ku aadan wada shaqeynta wasaarada & Hay’ada IRISE iyo sidoo kale dardargelinta Mashruuca Dalbile Initiative oo laga fulinayo Magaalada Jowhar & Beledweyne ee Dowlada Hirshabelle.
Mashruuca Dalbile Initiative ayaa loogu talagalay in fursado loogu Abuuro Dhalinayarada ku dhaqan Dowlada Hirshabelle.








