Aadan-Yabaal, 17/07/2023:- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle Mudane Mohamed Aynte ayaa Degmada Aadan-Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka daahfuray Tababar ku saabsan Tayeynta iyo dhiirigalinta Dhallinyarada ku nool Degmada iyo sidii baahiyaha Dhallinyarada degmooyinka dhowaan la xoreeyay wax looga qaban lahaa, wuxuuna wasiirku balan qaaday in waxqabad muuqda laga samayn doono iyadoo la kaashanayo Dowladda Hirshabelle iyo hay’adaha Mashaariicda Xasilinta ka wada deegaannada laga xoreeyay cadowga.
Tan iyo markii Argagixisada laga xoreeyey Degmada Aadan-Yabaal waxaa so kabanaya fahamka shacabka ay ka qabaan nidaamka Dowladnimada iyo in dhallinyarada fahman muhiimada ay leedahay tayeeynta iyo sare u qaadista Aqoonta xirfadeed iyo doorkooda ka qayb noqoshada dowladnimada wanagsan.
Furitaanka Tababarka waxaa ku wehelinayey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle Mudane Cabdikariin Maxamuud Bariire, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Mudane Yusuf Cabdi Faarax iyo Guddoomiyaha gobolka oo isna dhallinyarada ku booriyey in ay ka faaideystaan fursadaha ay haystaan lana shaqeeyaan Wasaaradda iyo Maamulka Degmada.




















