Aadan-Yabaal 15th July, 2023: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Mohamed Aynte ayaa daahfuray kulan is- dhexgal Bulsho ah oo loo qabanayo dhallinyarada Degmada Aadan-Yabal oo ka mid ahayd degmooyinka qadiimiga ah ee dhowaan laga xoreeyay cadowga Al-Shabaab.

Kulanka uu wasiirku furay oo leh muhiimad gooni ah waxaa ku wehelinayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Cabdiraxiim Maxamuud Bariire, agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Yuusuf Cabdi Faarax, Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Dhexe iyo kan degmada Aadan-Yabaal, waxaa kale oo goobjoog ahaa masuulyiin ka socday Hay’ada USAID.

Kulamado noocan oo kale ah oo laga daahfuri doono degmooyinka iyo tuulooyinka kale ee la xoreeyay ayaa xoogga lagu saari doonaa in dhallinyarada degmooyinka dhowaan la xoreeyay iyo laamaha ammaanku wada shaqeeyaan si looga taxadaro in argagixisadu aanay ku soo dhex dhuuman qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhallinyaradu ugu horeeyaan.

Dhallinyarada Degmada Aadan-Yabaal ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka shaqeynta Nabadda iyo Dowladnimada, diyaarna u yihiin in ay garab istaagan wasaaradda dhallinyarada waxayna codsadeen in wax laga qabto baahiyaha haysta dhallinyarada sida in ay helaan garoomada kubadda Cagta, Xarumo dhalinyaro, Shaqa abuurka iyo adeegyada kale ee ay bixiso wasaaradda iyo saaxiibada la shaqeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Xuseen Caynte ayaa sheegay in is-beddel dhab ah ay muujin doonaan oo dhalinyarada degmada Adan-Yabaal ay heli doonaan adeegyadii ay xaqqa u lahaayeen.