Jowhar, 22 June 2023.
Wasiiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle Mudane Mohamed Aynte oo uu wehlinayo Agaaasimaha Guud ee Wasaarada Mudane Yusuf Cabdi Faarax ayaa maanta daah furay tababar ku saabsan kaalinta dhallinyarada ee ka qeybgalka Xallinta Khilaafaadka, Tababarka waxaa ku wehelinaayi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Hirshabelle Mudane Cabdi shakuur Shaashaa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaalada & Arimaha Garsoorka Hirshabelle Mudane Sakariye Suleyman Maxamed, Duqa Degmada Jowhar Mudane Maxamuud Xassan Bariise, Gudoomiyaha Degmada Jowhar Mudane Cismaan Maxamed Mukhtaar Baareey.
Tababarkan ayaa inta uu socdo lagu baranayaa Xallinta khilaafaadka Bulshada, Noocyada Khilaafka, Xirfadaha looga hortago khilaaf bulshada dhexdeeda ah iyo sida ay Dhalinyaradu qeyb uga noqon karaan Xallinta khilaafaadka Bulshada Heer Degmo iyo mid Maamul Goboleed.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Dowladda Hirshabelle Mudane Mohamed Aynte ayaa furitaankii shirka ka sheegay in wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ay u taagantahay in la tayeeyo xirfadaha gaagaaban ee dhallinyarada si ay qayb uga noqdaan dib u dhiska dalka, isagoo u mahadceliyay kasoo qaybgalayaasha oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhallinyarada ka faa’iidaysanaya inta uu socdo tababarkani.
Wasiirka Wasaarada ayaa u mahadceliyay Xafiiiska UNSOM-Soomaaliya oo Tababarkaan ka caawinaya Wasaaradda.





















