March 12 Jowhar: Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha dowladda Hirshabeelle Mudane Mohamed Aynte ayaa bogaadiyay go’aanka ay golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo muddo soo socotay.
Wasiir Ceynte ayaa sheegay in siyaasadda cusub ee loo ansixiyay dhallinyarada Soomaaliyeed ay marin u furayso mashaariicda horumarinta iyo shaqo abuurka leh ee dhallinyarada Soomaaliyeed guud ahaan, wuxuuna wasiirku bogaadiyay sidii ay dhallinyarada reer Hirshabeelle uga qaybgaleen shirarkii wadatashiga iyo ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka dhacday Caasimada Hirshabelle Ee Jowhar.
Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ka kooban 10 tiir oo mid walba faahfaahinayo qorshaha lagu gaari karo waxaana ugu waaweyn; ;
1-tiirka shaqo abuurka dhallinyarada iyo curinta fikradaha ganacsiga.
2-Waxbarashada dhallinyarada iyo kobcinta xirfadah.
3-ka qaybgalka dhallinyarada ee arrimaha bulshada iyo hoggaaminta.
4- dhallinyarada, dib u heshiisiinta iyo Iskaashiga.
5- ka hortagga Maandooriyaha iyo dhaqancelinta dhallinyarada isticmaasha.
Ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa iyana ka dhalan doona dhismaha golaha dhallinyarada Qaranka oo ay yeelan doonaan Dhalinyrada Soomaaliyeed.












