Axad, 01, December , 𝟐𝟎𝟐𝟒:

Duqa magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa agab isboorti ku wareejisay dhalinayrada cuslaatay iyadoo loo agaasimay kulan Isboorti oo dhiirigelin ah kaa oo lagu qabtay garoonka Buuloxableey.

Kulan ka oo ay Ka qeybgaleen gudoomiyaha dhalinyarada Gobolka Hiraan Mudane Mohamed Abdullahi Dahie iyo gudoomiyaha Isboortiga Beledweyne Mudane Ismail Ali Hassan (Ziidaane) ayaa lagu muujiyay taageerada aan kala go’a lahayn ee loogu talagalay Isboortiga.

Rugcadaayaal badan oo kubada cagta ka socda magaalada Beledweyne oo ka qaybgalayay tartankaan ayaa u mahadceliyay duqa magaalada, iyagoo ku amaanay sida ay u jeceshahay xoojinta kubada cagta iyo horumarinta dhalinyarada Degamada baladwaya.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle waxay sidoo kale u mahadcelinaysaa duqa magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin oo mar walba garab u ah bahda ciyaaraha magaalada Beledweyne.