17 December 2024, Baldwayne;
Maayarka Degmada Beledweyne Marwo Nadar Maalin ayaa gudoonsiiyay koobabka iyo abaalmarinta kooxda Raadeerka oo ku guuleysatay tartanka kubadda cagta heerka seddaxaad. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Dhallinyarada Hirshabelle Mudane Abdirisak Mohamed Al-cadaala, Gudoomiyaha Dhalinyaradda gobolka Mudane Mohamed Abdullahi Dahie, Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Mudane Ismail Ali Hassan Zidaani, Xoghayah Degamada iyo mas’uuliyiin kale.
Maayarka Degmada baladwayne Marwo Nadar Maalin ayaa ku amaantay kooxda Raadeerka guusha ay gaareen Iyadda oo sidoo kale muujiyay sida ay u taageerayso horumarka bulshada iyo kor u qaadista ciyaaraha Beledweyne.
Sidoo kale, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle oo ka duulaysa waajibaadkeeda ayaa dhawaan dib u habayn ku samayn doonta maamulada isboortiga degmooyinka iyo guud ahaan kan Hirshabelle si loola jaanqaado dadaalada socda ee dib u habaynta bahda Isboortiga Hirshabelle.
















