16 October, Jowhar: Kulan lagu soo dhaweynayo wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Hirshabeelle Mudane Ilyas Yusuf Ibrahim ayaa lagu qabtay magaalada jowhar ee Caasimada Dowlada Hirshabeelle.

Ciyaarta Saaxiibtinimo ayaa u dhaxeeysay kooxaha kala ah Buulo Jazeera & Ceymiska waxayna ku dhamaatay oo 2-0 guusha ku raacday Buulo Jaziira taaso Koob kgudoonsiiyey Wasiirka.

Kulanka soo dhaweynta waxa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Ururka Kubada Cagta Hirshabelle Yusuf Xamud Jaras & Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Degmada Jowhar Abdullahi Xuseen Sheikh Deli Zeey sidokale kooxaha ka dhisan Degmada Jowhar heerarka kala duwan & Bahda Isboortiga Degmada Jowhar.

Sidokale Wasiir ayaa kula dardaarmay dadaalka ee wadaan dhalinyardaa Isboortiga Degmada Jowhar eyna sii laba jibaaraan, Wasaaraddana ay garab taagan tahay diyaarna la tahay wiixii agab Isboortis ah.

Ugu danbeyn wasiir kuxigeenka cusub ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowlada Hirshabeelle Mudane Ilyas yusuf Ibrahim aya kaga mahadceliyey Ururka Kubada Cagta Hirshabelle, Xiriirka Kubada Cagta Degmada Jowhar & Dhamaan Bahda Isboortiga Jowhar kulanka soo dhaweynta ay u sameeyeen wuxuna balan qaaday inu si dhow ugala shaqeyn doono arimaha isboortiga & dhalinyaradda.