Aadan-Yabaal, 16/07/23: Wasiirka wasaaradda Dhalinyrada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Mohamed Aynte oo maalmahan hawlo shaqo u joogay degmada πππππ§ ππππππ₯ ayaa kala qaybgalay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, Gudoomiyaha gobolka iyo kan degmada Mashruuca dhagax dhigga Ceel SIYAAD Ee degmada Aadan-Yabaal.
Ceel biyoodkan oo laf-dhabar u ah dadka iyo duunyada ku nool degmada Aadan-Yabaal iyo tuulooyinka hoos yimaado, iyadoo uusan Ceelku wax dayactir ah hellin muddo ka badan 20 sano, waxaana fulinaya howsha dayactirka iyo dib u hagaajinta lagu samaynayo Ceelka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Dowladda Hirshabeelle oo kaashanaysa Hayβadda DT Global USAID.
Wasiirka ayaa u rajeeyay Bulshada degmada in ay si wanaagsan uga faaβiidaystaan Mashaariicda laga fulinayo degmadooda, garab na ku siiyaan maamulka degamda, Wasaaradaha & Hayβada ka shaaaynaya intaba.















