2 Janaayo 2025, Beledweyne
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle ayaa si rasmi ah u daahfurtay tababar loogu talagalay qaar ka mid ah howlwadeennada iyo volunteers ka Wasaaradda ee gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladwayne.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa kor u qaadista fahamka shaqada iyo wadashaqeynta howlwadeennada Wasaaradda iyo hay’adaha dowladda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Mudane Yusuf Abdi Farah oo ay wehlinayeen Guddoonka Dhalinyarada Hirshabelle Mudane Abdirisak Mohamed kan gobolka Mohamed Abdullahi Dahie iyo Bahda Isboortiga ayaa daahfurka tababarkan kana hadlay, Waxaa si weyn lagu wadaagay ahmiyadda ay leedahay in shaqaalaha dowladda ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan oo ay xogta shaqada la wadaagaan bulshada & hay’adaha kale.
Kordhinta fahamka howlwadeenada iyo bahda shaqa wadaagta la ah Wasaaradda sida bahda warbaahinta waxa ay si weyn u kor u qaadaysaa shaqada ay Wasaaradda u hayso bulshada Hirshabelle.
















